Isku-aadkii wareega 5aad ee league cup-ka England oo dib loo dhigay maxaa sababay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dib loo dhigay isku aadka wareegga shanaad ee Carabao Cup, kaasoo lagu ballansanaa in la qabo 6:00 Maqribnimo Saacadda Geerka Afrika.

Xalay ayaa la soo gabagabeeyey wareeggii afaraad ee tartanka koobka League Cup ee xili ciyaareedkan loo bixiyay Carabao Cup, waxaana iskugu soo haray siddeed kooxood uu u soo gudbay wareegga shanaad ee tartankan.

Siddeed kooxood ee isku aadka loo sameynayo maanta ee soo gudbay waxa ay kala yihiin kooxaha Manchester United, Manchester City, Arsenal, Chelsea, West Ham United, Bournemouth, Bristol City iyo  Leicester City.

Isku aadka Wareegga shanaad ee Carabao Cup ayaa lagu ballansanaa in la qabto maanta khamiis ah October 26 marka ay saacadda Magaalada London tahay 4:00 galabnimo oo ku beegan 6:00 Maqribnimo ee saacada Geeska Afrika.

Laakiin hadda waxaa la shaaciyey in isku aadka xilligii la qaban lahaa hal saac dib loo dhigay arrimo farsamo awgeed, taasoo noqonaysa in la bilaabi doono sameynta isku aadka Carabao Cup marka ay saacadda London tahay 5:00 Galabnimo oo ku aaddan 7:00 Fiidnimo xilliga Muqdisho.

Fikradaha Akhristayaasha (0)