Waa kuma 18 jirka Arsenal xalay labada goal u dhaliyey ee ay diidey kooxda Chelsea.

Waxaa xalayto indhaha taageerayaasha Arsenal soo jiitay wiilka yar Eddie Nketiah kaasoo labo gool ka dhaliyay kooxda Norwich City islamarkaana Arsenal u soo saaray wareega sideed dhamaadka ee Carabao Cup. Hadaba waa kuma Nketiah?

Nketiah ayaa waayihiisa ciyaareed ka bilaabay kooxda ka dhisan galbeedka London ee Chelsea isagoo ka soo baxay iskuulkooda kubada cagta heerarkiisa kala duwan.

Laakiin kooxda Blues ayaa u sheegtay Nketiah in la fasaxay sannadii 2015, taasoo keentay inay durbadiiba la wareegto kooxda Arsenal.

Fikradaha Akhristayaasha (0)