Tababaraha Barcelona oo war cusub ka soo saaray xaaladda Coutinho iyo inay la wareegayaan January

Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa wuxuu daaha ka qaaday in uusan dooneyn inuu warbaahinta la wadaago qorsheyaasha kooxdiisa Barcelona ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Jannaayo 2018ka.

Barcelona ayaa la isla dhexmarayaa inay dalab kale ka gudbin doonto kubadsameeyaha kooxda Liverpool Philippe Coutinho, ka dib markii ay xagaagii lasoo dhaafay ku guuldarreystay saxiixa 25 sanno jirka reer Brazil.

Guddoomiyaha kooxda Barca Oscar Grau ayaa horraantii bishaan daaha ka qaaday inay Barcelona isha ku heyso inay dib ugu laabato saxiixa kubadsameeye Philippe Coutinho suuqa kala iibsiga ee bisha Jannaayo, inkastoo ay Liverpool daaha ka qaaday inay 180 milyan oo ginni ku dooneyso xiddigaan.

Valverde oo arrintaan ay saxaafaddu ka wareysatay ayaa yiri: “Haddii ay jiraan ciyaartooy aan xiiso u qabno suuqa kala iibsiga ee bisha January 2018ka, halkaan kama sheegi doono magacyadooda sababtoo ah ma doonayo inaan adduunka u sheego magacyadooda.”

Fikradaha Akhristayaasha (0)