Mohamed Salah oo howlo samo fal kawada tuulada uu ka soo jeedo iyo dugsi loogu magacdaray

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Liverpool Mohamed Salah ayaan aheyn ciyaaryahan lagu eedeyn karo inuu ilaawoayhalka uu ka soo jeedo.

Duqa Nagrig oo ah tuulada uu ka soo jeedo kuna soo koray Mohamed Salah ee ku taala gobolka Gharbiya ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday howlaha samafalka ah ee uu 25 jirkaan ka wado bulshadii uu ku soo dhex koray.

Maher Shetia ayaa yiri: “Salah waxa uu tuuladiisa yar soo saaray qariirada dunida. Waxa uu sidoo kale dhisay hay’ad tabarucaad, waxa uu dhisay iskuul ay ku baxeyso malaayiin.

“Waxaa taasi sii dheer inuu wax badan ugu deeqay cusbitalka Basioun isagoo u dhisay qolal qaboojiyaal ah, waxa uu ugu deeqay qaboojiyaal waa weyn iyo weliba ambalaas.”

Ka dib markii uu Salah dhaliyay rigooradii cajiibka aheyd horaantii bishaan ee Masar u xaqiijisay u soo bixitaankooda Koobka Adduunka ee 2018, gudoomiyaha gobolka Gharbiya ayaa magaca ka bedelay iskuulkii uu ka soo baxay Salah ee ku yaala Baisoun iyadoo loo bixiyay ‘Mohamed Salah Industrial High School’.

Ganacsade taajir ah oo reer Masar ah ayaa u soo bandhigay Mohamed Salah inuu qaato guri raaxo uu isagu leeyahay isagoo uga mahacelinayay geesinimadiisii kulankii Congo, laakiin ciyaaryahanka ayaa weydiistay ganacsadaha inuu gurigiisa ceshto balse taas bedelkeeda uu waxyaabo wax ku ool ah ugu deeqo tuulada uu ka soo jeedo ee Nagrig.

Fikradaha Akhristayaasha (0)