Fallanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Caawa Carabao Cup Ku Kulmayaan Kooxaha Chelsea v Everton

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Everton David Unsworth ayaa kulankiisii ugu horeeyay isagoo tababare ah u safraya Chelsea ciyaar katirsan wareega afaraad ee Carabao Cup.

Tababaraha kooxda U23s ayaa shaqada la wareegay ka dib markii la ceyriyay Ronald Koema oo qasaaro 5-2 kala kulmay koooxda Arsenal axadii lasoo dhaafay.

Unsworth, ayaa xaqiijiyay inuu isbedel badan ku sameyn doono shaxdiisa caawa, iyadoo Morgan Schneiderlin iyo James McCarthy ay kusoo laaban doonaan shaxda kooxdiisa oo booqaneysa Stamford Bridge.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Stamford Bridge

SAACADA: 9:45 PM

MAXAA CUSUB?

Sawirka la xidhiidha

Antonio Conte ayaa laga yaabaa inuu ku ciyaaro koox adag kulanka Chelsea caawa soo dhaweyn doonto kooxda dhibaatada kujirta ee Everton..

Danny Drinkwater (kubka), N’Golo Kante (muruqa) iyo Victor Moses (murqa) ayaa dhamaantood seegi doona ciyaarta caawa.

Schneiderlin iyo McCarthy ayaa dib ugu soo laabanaya Everton, halka Idrissa Gana Gueye ganaax ku seegi doono kulankaan.

Ross Barkley, Ramiro Funes Mori, Yannick Bolasie iyo Seamus Coleman ayaa dhamaantood qaba dhaawacyo muddo dheer ah.

XAQIIQADA KULANKA

Natiijada sawirka Chelsea vs EvertonChelsea ayaa 10kii kulan ee ugu dambeyay oo ay wajahday Everton wada badisay, iyadoo labo ka mid ah guulahaas ay ku gaartay Stamford Bridge.

Blues qasaaro kala kulmin Everton tartamada oo dhan tan iyo November 1994-kii, Toffees ayaa ku soo baxday rigoorayaal markii ay labada koox ku kulmeen wareega afaraad ee FA Cup sannadkii 2011.

Tani waa markii lixaad ee labada kooxood ku kulmaan League Cup, iyadoo Chelsea ay labo kulan badisay.

Chelsea ayaa gaartay sideedii dhamaadka League Cup afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeysy, laakiin midna ma gudbin.

Everton ayaa ku guuldareysatay inay u gudubto quarter-final-ka 12-kamid ah 14 xili ciyaareed ee lasoo dhaafay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)