Tababaraha xulka Argentina oo ka caraysiinkara Leo Messi sheegayna in Paulo Dybala

Tababaraha xulka Argentina Jorge Sampaoli ayaa ka cago jiidaya inuu hal mar xulkiisa kusoo wada bilaabo Lionel Messi iyo Paulo Dybala labada kulan ee kaga haray isreebreebka koobka aaddunka.

Jorge Sampaoli ayaa sheegay in ay tahay halis weyn haddii shaxda lagu soo wada bilabo Lionel Messi iyo Paulo Dybala si ay ugu dagaalamaan Argentina in ay usoo baxaan Koobka Adduunka.

Argentina ayaa kusoo dhaweyneysa xulka kaalinta afaraad ee Peru magaalada Buenos Aires khamiista, iyadoo xulka Sampaoli ay kujiraaan kaalinta shanaad ee kala sareynta xulalka CONMEBOL.

Inkastoo ay u badan tahay in ay ciyaaraan labada xiddig, macalin Sampaoli ayaa sheegay inuusan ku faraxsaneyn inuu safkiisa hal mar uwada magacaabo Messi iyo Dybala.

“Maadaama ay jirto wakhti aan ku shaqeyneyno, waa in aan Messi ka sugnaa wax la taaban karo” ayuu yiri Sampaoli, kaasoo ku qanacsan in Argentin ay u soo bixi karto koobka adduunka.

Fikradaha Akhristayaasha (0)