Kooxda Manchester United oo qorshe muhiim ah ka damacsan Maroune Fellaini

Kooxda kubada Cagta Manchester United ayaa lasheegayaa in ay heshiis cusub u soo bandhigtay Cayaaryahankeeda Maroune Fellaini kaas oo ay doonayaan in uu mushaar badan ugu shaqeeyo kooxdiisa.

Maamulka Manchester United ayaa lasheegayaa in ay Maroune Fellaini u soo bandhigeen heshiis cusub oo uu Todobaadkii ku qaadan doono mushaar gaaraya €150.000 lamana hubo in uu aqbali doono soo jeedinta kooxdiisa.

Maroune Fellaini ayaa Manchester United kaga soo biirey Everton Sanadkii 2013 kii markii uu Macalin David Moyes bixiyey lacag dhan  € 32.4 million isaga oo soo maray Marxalado kala duwan oo tii ugu fiicneyd hada uu kujiro.

Fikradaha Akhristayaasha (0)