Liverpool oo Niyad Jab Kala Kulantay Kooxda Newcastle & Dhibaatada livepool oo Mesheedii kasii socota.

Dhibaatadii kooxda Liverpool ayaa wali halkeedii ka sii socota kadib markii ay bar-bar dhac kale kala kulantay kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.

Kooxda Liverpool ayaa ciyaarta dar-dar kubilowday iyaga oo doonayay in ay goolal dhaliyaan iyaga oo dhinac walba weerar uga qaadayay newcastle.

Kadib weeraro is daba joog ah Reds ayaa daqiiqadii 29-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu gool qurux badan u dhaliyay xididga reer Brazil ee Philipe coutinho kaas oo kooxdiisa hogaanka ugu dhiibay.

Reds ayaa halkeedii kasii waday weerarka iyada oo ku doonaysa in ay goolal kale ku dhaliso laakiin umay suuro galin midaas maadama Newcastle daafaceeda adkaysatay.

Kooxda Newcastle ayaa markeeda fursada heshay oo daqiiqadii 36-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Joselu kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:1.

Puntlandnews.net

Fikradaha Akhristayaasha (0)