Faallo ku saabsan xaalada isboortiga Puntland: Shirqolayaashii isa sii shirqoolay

Mudo dheer oo xiriirka kubadda cagta Soomaali ay shaqooyinkiisa ku koob nayd Muqdisho oo kaliyah, ayaa waxaa dhacay xiriir dhex maray xiriirka iyo Wasaraada Ciyaraha Puntland. Wada hadalo iyo xiriir xaga isgaarsiinta ka dib, waxaa lagu heshiiyay in lawada shaqeeyo. Heshiisyadaas waxaa kamid ahaa:-
In Xiriirku xaga farsamada iyo kharashaadka ka tageero ciyaaraha Puntland. In horyaal la-asaaso. In xiriir la dhiso iyo in markuu horyaalku dhamaado kooxda qaada ay Xamar aado.

Waxaa intaa dheraa in Xiriirka xubnaha ugu sareeya uu kamid yahay ganacsade Cabdulahi Sh. Nuur ( Xalwo Kismayo), oo Puntland matalayay. Cabdilahi oo ah qof maal qabeen ah, waxaa uu Xiriirka kubada cagta Soomaaliya ka saaciday in dhaqaalaha loo baahan yahay uu sii bixiyo. Dhaqaalaha uu damiintay waxaa kamid ahaa kii qalabaynta xafiiska xiriirka kubada cagta Puntkand. Sido kale, heshiisyada la gaaray waxaa kamid ahaa sida aan ka soo xigtay xubin Xiriirka kubada cagta puntkand, in dhaqaalaha horyaalka laga qabto qoondo ku leeyahay xiriirka Soomaaliya.

Maxaa dhacay intaa ka dib?

Agaasime Tigaana, wuxuu adeegsaday awood dowladeed, wuxuu jabiyay heshiisyadii oo dhan. Wixii ugu horeeyay waxaa ay ahayd inuu diiday inuu bixiyo, kirada xafiiska xiriirka kubada cagta Puntkand. Xiriirka kubada cagta puntkand, oo ah sadax xubnood oo kaliyah, waxaa ay iyaguna doonta u kexeyeen sidii ay dantoodu ku jirto. Waxaa xiriirka kubada cagta Soomaaliya, waayay dhaqaalo gaaraya $4000, oo ahayd mid isugu jirta, khidmadii koxaha laga qaaday, ganaaxyo lacageed oo shaqsiyaad iyo kooxaba laga qaaday. Tan ugu yar waxaa ay ahayd $150. Xisaabtani waxa lagu heshiiyay inay gasho qasnaada xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, lakiin meel ay martay lama hayo.

Midig. Cabdiqani Saciid Carab, dhexda Cabdulaahi Sheikh

Horyaalkii wuu dhamaaday. Waxaa dhacay wixii dhici lahaa. Horyaalkii wuu fashilmay. Waxaa lagu xad-gudbay kooxaha oo dhan, khaas ahaana kuwa gobalka Mudug. Dacwad ayaa madaxtooyada tagtay. Waxaa ay socotay mudo dheer. Xerta madaxtooyada joogta oo Agaasime Cabdinasir Bixi, ugu horeeyo waxaa ay wadeen madadaalin. Ugu danbeyntiina kooxda shirqoolka ee hada isa sii shirqooshay, dhigeen qorshe xeeladaysan. Waxaa xafladii koobkii sida sharci darada ahaa lagu qabtay Boosaaso, oo guux iyo buuq siyaasadeed ka jiro. Waxaa madaxtooyada loo sheegay in magaaladu qatar ugu jirto in dhimasho ka dhacdo hadii aan la qaban xafladda. Agaasimahe Cabdinasir , wuxuu ogolaaday in xaflada la qabto, isagoo dhinicii dacwoonayay ku qanciyay dowlada u daneeyan. Koobkii waxaana si sharci daro ah loo siiyay kooxdii kaalinta 3aad gashay ee Bari FC.

Gudoomiye Cabdiqani Siciid Carab, wuxuu tagay Boosaaso. Balantii hore waxay ahayd in kharashka xafladda iyo abaalmarintaba uu isagu bixiyo, waase hadii heshiiskii dhaqaalo soo xareenta shaqeyn lahaa. Markale, Cabdulahi Shiikh oo lahaa laba ujeedo, oo kala ah in kooxda Bari koobka lasiiyo iyo inuu muujiyo awoodiisa gobalka, ayaa kharashka xafladda qaarna isagu bixiyay inta kalana ka soo qaaday Shirkada Goolis. Tigaana iyo jameecadiisu waxaa ay tageen Boosaaso, waxaa ay quudareynayeen in dhaqaalaha ina Carab keenayo hawada lagu kala qaybsado.

Golis oo bixisay lacagta koobka

Balse, taa badalkeeda Cabdiqani Siciid Carab iyo ku xigeenkiisa Cabdulaahi Shiikh waxaa ay la kulmeen Dr. Gaas, madaxweynaha Puntland. Waxaa ay hadalka ku soo koobeen in dhibaatada ciyaaraha Puntland ay tahay Tigaana, meeshana laga hor leexiyo. Kooxda madadaalo ee Madaxweyne Gaas, way aqbashay. Lama garan karo in ay fulinayso iyo in kale!

Cabdiqani oo wata Sawiradii loo baahnaa ee xafladda si uu Fiifa ugu faano, xamar ayuu tagay. Jawabna wuxuu ka dhigay dhaqaalo majiraan. Tigaana oo wayraxsan ayaa shalay idaacada ka sheegay inuu xiriirkii u jaray Xiriirka kubada cagta ee Soomaaliy ( Xamar)

Hadaba sow lama oran karo, shirqoolayashii way isa sii Shirqooleen?

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)