Kooxda Kubada Cagta Sohdo oo sagootisay ciyaaryahan kooxdooda katirsanaa.

Kooxda Kubadda Cagta Sohdo waxay Ciyaar sagootin ah u samaysay Ciyaaryahankii Halyeeyga ahaa ee Kooxda Sohdo Sharmaake Xaash i Jaamac (Diaby) oo Todobaadka danbe Ku wajahan Dalka Kenya.

Ciyaaryahan Diaby wuxuu ahaa lafdhabarta Kooxda Sohdo,wuxuuna Kooxda Ku sugnaa mudo 5sano ah isagoo la qayb saday guulo waa weyn oo wax Ku ool ah,sidookale wuxuu kaalin weyn Ku lahaa hormarka ay Kooxdu samaysay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Maamulka Kooxda iyo Ciyaartoydu waxay u samayn doonaan Todobaadka Dambe Xaflad Casho sharaf ah oo lagu sagootin doono Halyeyga Kooxda Sharmaarke Diaby.

Kooxda Kubadda Cagta Sohdo oo isku duuban waxay nasiib wanaagsan iyo Mustaqbal ifaya u rajaynaysaa Sharmaake Xaashi Jaamac Diaby.

Fikradaha Akhristayaasha (0)