Pep Guardiola oo ku jeesjeesay Kylian Mbappe,”Qofna kursi lama fariisan karo Leo Messi”

Macalinka Manchester City ayaa u digay Kylian Mbappe isagoo u sheegay in aysan jirin cid fariisan karta booska Messi oo kale.

Macalinka Manchester City Pep Guardiola ayaa ka mid ahaa tiro tababarayaal ah oo ku fashilmay saxiixa Mbappe oo si lama filaan ah ugu dhaqaaqay xagaagan kooxda PSG.

Mbappe ayaa dhaliyay 26 gool 44 kulan oo uu u saftay Monaco oo ku garaacday Paris Saint-Germain hanashada horyaalka Ligue 1 xili ciyaareedkii hore.

Image result for Messi and Kylian Mbappe

Mbappe ayaa tan iyo markii uu ku biiray PSG, waxa lala barbardhigayaa Messi, laakiin Guardiola ayaa sheegay in ciyaartoyda da’da yari aysan hubin mustaqbalka in ay noqon karaa Messi oo kale.

“Qofna kuma fariisan karo kursiga Messi,” ayuu yiri Guardiola oo u digayay Kylian Mbappe.

“Waxaa laga yaabaa Mbappe inuu noqdo ciyaaryahan sarre, wuxuu noqon doonaa ciyaaryahan aad u fiican, waan hubaa taas ayuu yiri Pep.

“Laakiin si la mid ah Messi ama Cristiano Ronaldo tusaale ahaan ma sugi doono inuu noqdo ayuu hadalkiisa ku daray.

“Waan ku faraxsanahay Mbappe ma jecli inaan cadaadis saaro isaga, laakiin xaqiiqada ayaa taas ah ayuu yiri Pep Guardiola.

Image result for Messi and Kylian Mbappe

“Waxaan qabaa in Messi uu safan karo 60/70 kulan xilli ciyaareed kasta, kulamada waa weyn had iyo jeer waxa uu dhaliyaa gool, wuxuu ciyaaraa seddex maalmood kasta hal kulan, marna ma dhaawici kartit sababtoo ah wuxuu xakameynayaa jirkiisa ayuu yiri Guadiola.

“Taasi waa sababta aan loo gaarin booska Lional Messi ka gaaray kubadda cagta ayuu saxaafada u sheegay macalinkii hore ee Barcelona.

Fikradaha Akhristayaasha (0)