Daawo Xirfaddiisa Ciyaaryahan ay Isku haysteen Arsenal iyo Barcelona oo sheegay inuusan Baxayn January

Jean Michael Seri oo khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Nice ayaa meesha ka saaray inuu bisha Janaayo marka uu suuqa Yurub dib u furmo kooxdiisa isaga tagi doono.

Jean Michael Seri waxaa dabagal ku hayaan Arsenal iyo Barcelona oo xagaagii dhawaa saxiixiisa ku guul dareesteen.

Balse cayaaryahan lagu naaneeso African Xavi wuxuu yiri “Kaliya waxaan diirada saari doonaa sidii aan Nice u caawin lahaa inta xili cayaareedkan ka dhiman mana ku fikiraayo inaan bisha Janaayo baxo”

“Waa hubanti Nice ayaan sii joogi doonaa ilaa June-ta dambe midaasna dood kama taagno”

Fikradaha Akhristayaasha (0)