LAYAAB+SAWIRRO-Muran kadhashay daanyeer sawir iska qaaday iyo maxkamad xukun ka gaadhey

Sawir qaade ayaa ka guulaystay koox u doodda xuquuqda xayawaanka, ka dib dacwad laba sano socotay oo ku saabsan daayeer sawir iska qaaday.

Daayeerka wuxuu muuqaalka isaga qaaday kayn ku taalla Indonesia 2011, markaas oo uu qaatay kaamero uu lahaa David Slater oo deggan Monmouthshire.

Xaakim Maraykan ah ayaa sheegay in dhawrista xuquuqda lahaanshaha aan loo isticmaali Karin daanyeer, laakin ururka xuquuqda xayawanka u dooda oo loo yaqaanno Peta wuxuu sheegay in xayawaanka ay tahay inuu ka faa’iido.

Peta ayaa racfaankii ay qaateen lagu gacan sayray ayagoo matalaya daanyeerka, laakin Slater wuxuu ogolaaday inuu ku deeqo 25% wixii dakhli ah ee mustaqbalka masawirka ka soo gala.

Hadal ay wadajir u soo saareen Peta iyo Slater ayaa lagu sheegay in ninkaas sawir qaadaha ah uu 4 meelood oo meel lacagta ka soo gasha iibinta sawirrada uu daayeerku isaga qaaday kaameradiisa siin doono hay’adaha ka shaqeeya daryeelka bey’ada ee Naruto.

SAWIRRO

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)