Hordhac Group C UCL – Antonio Conte Oo Caawa Bilaabaya Waayihiisa Champions League Ee Chelsea Xilli Atletico Madrid & AS Roma Ay Isku Dhegan Yihiin

Kooxda Chelsea oo ah kooxdii ugu danbeysay ee Ingariis ah ee hanata koobka Champions League ayaa gaartay wareega 16ka 13 jeer oo ka mid ah 14kii jeer ee ugu danbeysay ee ay ka qeyb qaateen Champions League.

Eden Hazard ayaa ku soo bilaaban doona kursiga keydka kulanka ay Chelsea dib ugu soo laabaneyso Champions League ee ay la ciyaarayaan kooxda Azerbaijan ka dhisan ee Qarabag iyadoo tababare Antonio Conte uu ka fiirsanayo inuu isbedelo sameeyo.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaan ka qeyb qaadanin tartan Yurub ah xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Hazard ayaa u ciyaarin Blues xilli ciyaareedkan sababo la xiriira dhaawac canqowga ah.

Chelsea ayaa ciyaari doona todobo kulan 21 maalmood gudaheed bishaan, taasoo keentay in tababare Conte uu yiraahdo: “Waa inaad isku shaandheyn sameyso haddii kale wax tamar ah ma yeelaneysid labada kulan ee ugu danbeeya.”

Xiddiga khadka dhexe Danny Drinkwater oo aan weli safanin kulankiisii ugu horeysay ee kooxda ka dib markii uu maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga xagaaga ka soo wareegay Leicester ayaa ku seegaya kulankaan dhaawac canqowga ah. Waana xiddiga kaliya ee ka maqan Chelsea.

Kabtan Garry Cahill ayaa u ciyaari kara Chelsea markii ugu horeysay muddo bil ah ka dib seddex kulan uu ganaax ku maqnaa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Chelsea: Courtois; Christensen, Cahill, Rüdiger; Zappacosta, Kanté, Fàbregas, Alonso; Willian, Pedro; Batshuayi.

Qarabağ: Šehić; Medvedev, Rzeźniczak, Hüseynov, Dashdemirov; Almeida, Garayev, Míchel; Madatov, Guerrier; Ndlovu.

Kulanka: AS Roma v Atletico Madrid

Garoonka: Olimpico

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Milorad Mazic (Serbia)

Kulanka ugu adag Group C waxa uu caawa ka dhacayaa caasimada Talyaaniga marka ay ku kulmaan kooxaha jabhada ah ee AS Roma iyo Atletico Madrid. Kooxda Talyaaniga ayaana heysata rikoor fiican oo niyada u dhisaya ka hor kulankaan, madaama ay badiyeen todobadii kulan ee ugu danbeysay ee Champions League ee ay ku ciyaareen gurigooda.

Balse kooxda Atletico Madrid ayaa badisay labadii kulan ee ay iska horyimaadeen labada kooxood tartankii UEFA Cup xilli ciyaareedkii 1998-99.

Kooxda martida loo yahay waxaa caawa dhaawac jilibka ah kaga maqan Emerson halka Schick uu isna la maqan yahay dhaawac bowdada ah. dhanka kooxda Atletico kaliya Fernandez ayaa dhaawac muruqa bowdada ah kaga maqan.’

SHAXDA MACQUULKA AH:

AS Roma: Alisson Becker; Bruno Peres, Manolas, Juan Jesus, Kolarov; Strootman, De Rossi, Nainggolan; Defrel, Džeko, Perotti.

Atlético Madrid: Oblak; Vrsaljko, Godín, Giménez, Filipe Luís; Koke, Gabi, Ñíguez, Carrasco; Griezmann, Torres.

Fikradaha Akhristayaasha (0)