Hordhac Group B UCL: Neymar & Mbappe oo ku bilaaanaya Xilli Bayern Munich wajahayso Anderlecht

Paris Saint-Germain ayaa xilli ciyaareedka Champions League waxa ay bilaabeysaa kulanka ay caawa u safrayaan kooxda heysata horyaalka Scotland ee Celtic, waxaana markii ugu horeysay koobkaan u ciyaari doona weeraryahanada ugu qaalisan dunida ee Neymar iyo Mbappe oo uu wehliyo Edinson Cavani.

Labada kooxood ayaan aheyn kuwa isku cusub waxa ay hore isagu soo arkeen koobka UEFA Cup Winners Cup xilli ciyaareedkii 1995-96.

Neymar oo lacag rikoor ah uga soo wareegay Barcelona xagaagan ayaa shalayto u sheegay The Sun in kooxdiisa ay fursad fiican u heysato hanashada Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana laga war dhowrayaa sida ay u ciyaaraan weerarka halista ah ee kooxda Faransiiska kulanka caawa.

MAXAA KA CUSUB?

Tababaraha kooxda Celtic Brendan Rodgers waxaa dhabarjab ku ah inuu kulanka caawa seegayo xiddiga Moussa Dembele inkastoo laga yaabo in kursiga keydka la soo fariisiyo, laakiin waxaa la hubaa inay kulankaan seegayaan Boyata iyo Sviatchenko oo dhaawacyo ka qaba jilibka.

Kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain waxaa ka maqan kulanka caawa labo xiddig oo muhim ah xiddiga reer Argentina Angel di Maria oo dhaawac muruqa bowdada ah qaba iyo Javier Pastore oo isna dhaawac muruqa ah la maqan.

SHAXDA MACQUULKA AH

Celtic: Gordon; Lustig, Bitton, Šimunović, Tierney; Brown, Ntcham; Forrest, Roberts, Sinclair; Griffiths.

Paris Saint-Germain: Areola; Dani Alves, Marquinhos, Thiago Silva, Kurzawa; Rabiot, Verratti, Thiago Motta; Neymar, Mbappé, Cavani.

Kulanka: Bayern Munich v Anderlecht

Garoonka: Allianz Arena

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Paolo Tagliavento (Italy) 

Kooxda Bayern Munich oo ka mid ah kooxaha awooda leh ee qaarada Yurub ee mar walba ku jira kooxaha ugu cadcad tartankaan ayaa kulankeeda ugu horeeya ee Group B waxa ay caawa garoonka Allainz Arena ku soo dhaweyn doonaan kooxda reer Belgium ee Anderlecht.

Bayern Munich ayaa rikoor fiican ka heysata kulamada Champions League ee ay ku ciyaarto garoonkeeda iyagoo badiayay 16 ka mid ah 17kii kulan ee ugu danbeysay ee ay koox Yurub ah ku martigeliyeen Allainz Arena.

Waxa ay sidoo kale rikoor fiican oo kulamada gurigooda ah ka heystaan kooxaha Belgium iyagoo badiyay 6 ka mid ah 7 kulan oo ay martigeliyaan kooxo Belgium ka dhisan.

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Bayern Munich ma qabto wax dhaawacyo cusub ah laakiin khadkooda dhexe ayaa boos weyn uu ka banaan yahay kulanka caawa iyadoo uu ganaax kaga maqan yahay xiddiga khadka dhexe ee Chile Arturo Vidal.

Dhanka kooxda martida ah ee Anderlecht waxaa dhaawac kaga maqnaanaya kulanka maanta xiddiga lagu magacaabo Kara.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Bayern Munich: Neuer; Kimmich, Hummels, Martínez, Rafinha; Thiago Alcántara, Rudy, Tolisso; Robben, Ribéry, Lewandowski.

Anderlecht: Sels; Appiah, Mbodji, Spajić, Obradović; Chipciu, Gerkens, Kums, Hanni; Onyekuru, Teodorczyk

Group B

Celtic v Paris Saint-Germain

Garoonka: Celtic Park

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Daniele Orsato (Italy)

Fikradaha Akhristayaasha (0)