Philippe Coutinho diyaar ma u yahay kulanka adag ee Man cuty vs Liverpool, Jurgen Klop ayaa ka hadlay

Philippe Coutinho dib ayuu ugu soo laabtay kooxdiisa Liverpool kadib markii waajibaadka xulkiisa qaran Brazil uu soo gutay.

Cayaaryahankan kasoo muuqday tababarkii ugu dambeeyay Liverpool waxaa xaaladiisa ka warbixiyay tababare Jurgen Klopp madaama xagaagan Coutinho si cad u sheegay inuu rabo ku biiritaanka Barcelona balse ay kooxdiisa ka hors istaagtay.

Macalin Klopp wuxuu yiri “Coutinho waxaan la yeeshay wada hadal guul ku dheehan diyaar ayuu u yahay inuu kooxda caawiyo anigana diyaar ayaan u ahay inaan garab siiyo”

“Balse uma suurta galeyso inuu kulanka Man City ee sabtiga cayaaro madaama inta badan xili cayaareedkan bilawgiisa uu naga maqnaa waa inuu tababar dheeraad ah sameeyo waana ku kalsoonahay sida ugu dhaqsiyaha badan inuu kooxda kaga soo muuqan doono”

Fikradaha Akhristayaasha (0)