Alex Oxlade Chamberlain oo cadeeyay sababtii uu ku doortay Liverpool kuna diiday Chelsea.

Chelsea ayaa kala heshiisay Arsenal lacagta ay kulasoo wareegaysay ciyaaryahanka Alex Oxlade Chamberlain, laakiin ciyaaryahankaan ayaa go’aansaday inuu mustaqbalkiisa ahaado Liverpool kana hoos ciyaaro tababare Klopp.

Xiddigaan u dhashay dalka England ayaa go’aansaday inuu ka tago Arsenal, wuxuuna maalmihii ugu dambeeyay suuqa iibsiga lacag gaaraysa 35 milyan oo Yuuro ugu biiray kooxda Anfiel, kadib lix sanadood oo uu waayuihiisa ciyaareed kusoo qaatay waqooyiga London (Arsenal).

Chamberlain ayaa cadeeyay xagaagaan inuusan doonayn inuu heshiiska u kordhiyo kooxda Arsenal wuxuuna u muuqday inuu ku wajahnaa dariiqa Stamfor Bridge. laakiin waqti dambe ayuu doortay Liverpool.

Laacibkaan ayaa u safridoona garoonka Etihad isagoo doonaya inuu kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaro Liverpool oo sabtida ka hor imaanaysa kooxda Mancherter City.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa qiray in Liverpool ay tahay kooxda kaliya isaga u wanaagsan, islamarkaana ay tahay meesha uu kasoo muuqan karo, inkastoo ay xiisanaysay kooxda Chelsea inay lasoo wareegto.

Chamberlain ayaa kasoo tagay Southampton si uu ugu biiro Arsenal bartamihii sanadkii 2011.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)