Xiddigihi ugu orodka badnaa ilaa hadda Horyaalka Ingiriiska oo la soo saaray, magacyada iyo kooxaha

Opta waxa ay diiwaangelisay orodkii ugu dheereeyay ee uu ciyaaryahan walba sameeyay intii ay ciyaar socotay xilli ciyaareedkan, waana sababta ay u soo saareen liiska 10ka xiddig ee ugu orodka badan ilaa iyo haatan xilli ciyaareedka.

Kyle Walker oo ah daafac midig oo ka tagay Tottenham kuna biiray Manchester City xagaagan ayaa haatan ah xiddiga ugu orodka badan horyaalka, waxaa laga diiwaangeliyay inuu ku orday xawaare gaaraya 35.16 kiilomitir saacadii.

Taasina ma ahan wax lala yaabo, madaama ayba sabab u aheyd in Pep Guardiola uu xiddigaan ka soo bixiyo 52 milyan ginni xagaagii.

Si la mid ah, lama filaan ma ahan in liiskaas lagu arko Sadio Mane iyo Jamie Vardy, laakiin waxaa lama filaan aheyd inuu ka soo muuqday daafaca Arsenal Lauren Koscielny oo weliba ku jira booska kaalinta 3aad, waxaa laga diiwaangeliyay inuu ku orday xawaare gaaraya 35.11 kiilomitir saacadii.

Sidoo kale waxaa iyadana la yaab noqotay in N’Golo Kante uu ilaa iyo haatan yahay xiddiga ugu dheereeya Chelsea, halka Paul Pogba uu yahay xiddiga ugu dheereeya Man United weliba ka xawaare sareeya Jamie Vardy. Liiska hoose ka eeg ciyaartoy walba iyo xawaarihii ugu sareeyay ee uu ku orday.

=10. Salomon Rondon (West Brom) – 34.56 kiilomitir saacadii

=10. Romelu Lukaku (Man United) – 34.56 km/s

=10. N’Golo Kante (Chelsea) – 34.56 km/s

9. Dominic Calvert-Lewin (Everton) – 34.62 km/s

8. Jamie Vardy (Leicester) – 34.65 km/s

7. Paul Pogba (Man United) – 34.68 km/s

6. Joshua King (Bournemouth) – 34.70 km/s

5. Ryan Fraser (Bournemouth) – 34.79 km/s

4. Sadio Mane (Liverpool) – 34.84 km/s

3. Laurent Koscielny (Arsenal) – 35.11 km/s

2. Kiko Femenia (Watford) – 35.12 km/s

1. Kyle Walker (Man City) – 35.16 km per hour

Fikradaha Akhristayaasha (0)