LAYAABKA ADUUNKA-Waa 81 jir haysata shahaadada PHD oo qashinka ka gurta magaalo

Haweeney 81-jir ah oo sameysay koox haween kaliya ah oo qashinka ka uruuriya tuulada ay ka deggan tahay dalka Lubnaan ayaa haatan waxaa ku soo qulqulaya dad fara badan oo waydiinaya qaabka ay howshan u qabatay.

Sagaal bilood oo ka mid aheyd sannadihii 2015 iyo 2016 ayaa waxaa waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Bayruut buuxiyay qashin, ilaa iyo haatanna malahan goobo lagu qubo qashinka taas oo ka dhigtay in qashinka qaybo ka mid ah magaalada lagu qubo badda.

Saynab Muqallid ayaa la timid qaab cusub oo ay isticmaali karaan dadka caadiga ah kaddib markii ay dowladdu ku guuldaraysatay inay arrinta wax ka qabato.

“Meelkasta qashin ayaa daadsanaan jiray carruurtuna waa ay ku wasakhoobi jireen,” ayay tiri Saynab Muqallid.

Waxay xasuusataa 1980-tamaadkii ilaa 90-meeyadii, markii Israa’iil ay 15 sano haysatay qeybo ka mid ah koonfurta dalka, markaas oo qashin uu xiray tuuladeeda, Carabsaalim.

Sannado badan ayaa la soo maray, qashinkuna wuu sii bataa uun, kaddib ayey Muqallid u tagtay barasaabka gobolka si uu gacan uga gaysto arrintan.

“Maxaad u danaynaysaa? Paris ma joogno,” ayuu ku yiri.

“Waan ogaa maalinkaas waxaa qasab igu aheyd inaan aniga qabto howshaas,” ayey tiri.

Muqallid ayaa isugu yeertay haweenka tuulada si ay gacan u siiyaan, raggiina faraha ayey ka qaadday – sababtoo ah waxay doonaysay inay iyaga xoojiso, malaha waxay moodaysay inay tahay inay qabtaan shaqo middaas ka wanaagsan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)