DEG DEG-Manchester City oo heshay laacib 10 bilood dhaawac ku maqnaa kahor kulanka Liverpool

Ilkay Gundogan ayaa si lama filaan ah ugu soo laabatay kooxda Manchester City ka dib markii ku dhawaad 10 bilood garoomada kaga maqnaa dhaawac.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka ayaa ku dagaalamayay inuu taam u noqdo kooxdiisa ka dib markii uu dhaawac jilibka ka soo gaaray kulankii kooxdiisa wajaheysa Watford bishii December ee sannadkii hore.

Waxa uu ciyaaray 60 daqiiqo kulankii City dhalinyaradeeda horumarinta la ciyaareen kooxda Leicester todobaadkii hore.

26 jirkaan ayaa sidoo kale la siiyay maalmo yar oo tababar ah intii lagu jiray fasaxii ciyaaraha heerka caalami.

Fikradaha Akhristayaasha (0)