Cristiano Ronaldo Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Kooxdiisa Iyo Isaga Oo Kulankiisii Ugu Horeeyay Ee Rasmi Ah Safan Doona Todobaadka Dambe

Xiddiga ugu muhiimsan kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa durba ku soo laabtay tababarka kooxdiisa Real Madrid kadib markii uu soo gutay waajibaadka xulka qarankiisa Portugal kuna soo hogaamiyay laba guulood oo ka tirsan is reeb-reebka koobka adduunka 2018.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegay in aanu Ronaldo ciyaari doonin kulanka ay kooxdiisa Sabtida la ciyaari doonto kooxda Levante kulan ka tirsan todobaadka 3-aad ee horyaalka La Liga.

Laakiin xiddigan ayaa isku diyaarinaya in uu kulankiisii ugu horeeyay ee rasmi ah u safto kooxdiisa kulanka champions league ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda APOEL tan iyo markii kaarka cas uu ku qaatay kulankii lugtii 1-aad ee super cup-ka Spain.

Ronaldo ayaa ganaax 5 kulan ah garka laga galiyay kadib markii uu kala tuuray garsoorihii dhexe dhexaadinayay kulankii super cup-ka lugta 1-aad.

Si kasta ha ahaatee Cristiano Ayaa ciyaari kara kulamada champions league kooxdiisa iyada oo 13 bishan bilaabi doonta difaacashada champions league

Fikradaha Akhristayaasha (0)