Arsene Wenger Oo Soo Jeediyay In La Joojiyo Suuqa Kala iibsiga Bisha January Iyo Sababta Uu U Dalbaday

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa doonaya in la joojiyo suuqa kala iibsiga bish January xilli Man City mar kale u soo laaban doonto saxiixa Alexis Sanchez.

Arsene Wenger ayaa ka baqaya in ay xiddigo badan ka baxsadaan kooxohooda halkii ay diirada ka saari lahaayeen in ay ciyaaraan kubada.

 

Sanchez oo uu bur-buray heshiiskii uu ugu biiri lahaa man city maalintii ugu dambaysay ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu ka ciyaaro champions league.

Wenger Ayaa u sheegay beINSPORTS: “Waxa haatan dhacaya ayaa ah in uu suuqi xiran yahay Bisha September waxa ay ahaan doontaa caadi”.

 

“Laakiin xiddigihii ku fashilmay in ay kooxo kale tagaan ayaa durba bisha October bilaabi doona kooxda ay ku biiri doonaan bisha January”.

“Taasi maaha wadada looga mid ahaado koox kubada cagta ah, waxa aanu halkan u joognaa in aanu dadka madadaalino waxana aad sidaa samayn kartaa kaliya marka aad si wada jir ah u ciyaartaan”.

Ads by Revcontent
Warka Wuu Sii Socan Karaa Xayaysiiskaan Ka Dib
10 USA Universities That Offer Free College Education
Yorkfeed
10 Former Multi-millionaires Celebrities Who Have Gone Broke
Yorkfeed
Top 10 Richest Women in the World with Fortune Surpassing $10 Trillion
Yorkfeed
Shocking Trick To Cure Erectile Dysfunction In 15 Minutes
ProstaPlast
Make Your Skin Look 20 Years Younger in 12 Days!
Hydroface
“maaha dadka ka fikira halkee ayaan tagaa marka ay meesha ay joogaan wax ugu socon waayaan”.

“Xiddigihii yaraa ee ku fashilmay in ay kooxohooda ku qasbaan in xagaagii la iibiyo ayaa mar kale isku dayi doona si ay kooxda uga baxaan”.

Fikradaha Akhristayaasha (0)